kooxda Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku gashay xarunta NISA ee Godka Jilicow

0
110

Nov 04(Jowhar)-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhaceen gudaha godka Jilicow oo ah goobta laga maamulo amniga caasumada & gobalada Shabeelooyinka.

Goobtan ayaa ku dhaw Aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya, waxaana baabuurta lagu galay ay wateen astaanta ciidanka dawladda, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxaha Argagixiso ayaa ka dagaalamaya gudaha qeybo kamid ah, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca amniga ah, iyadoo ciidamada amniguna ku dadaalayaan sidii loo soo afjari lahaa Argagixisadan.

Saraakiisha Amniga ayaan wali bixin faahfaahin dheeraad ah.