Nov 19(Jowhar)-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyey in uu gacanta kusoo dhigay eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan, oo muddo baxsad ahaa, kadib baaritaan dheer oo lala kaashaday Booliiska Caalamiga ah (Interpol).
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in eedaysanaha lagu ogaaday inuu ku sugan yahay dalka Rwanda, halkaas oo laga soo qabtay, laguna soo celiyey gudaha Soomaaliya. Jamac Cabdi Maxamuud ayaa lagu eedeeyey kufsi, duubis iyo faafinta muuqaallo anshax xumo, kuwaas oo uu ku geystay magaalada Qardho.
Eedaysanaha ayaa laga soo dajiyey Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde gelinkii dambe ee 18-ka Oktoobar 2025, waxaana si toos ah loogu wareejiyey Qaybta Baarista Dambiyada ee CID, halkaas oo hadda lagu hayo.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in eedaysanaha si degdeg ah loo horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh, si uu u wajaho cadaaladda.