Liibiya oo gacanta ku dhigtay 5 Soomaali ah oo ku shaqeysata afduubta Tahriibayaasha

0
136

Nov 20(Jowhar)-Ciidamo ka tirsan dowladda Liibiya ayaa howlgal qorsheysan ku soo badbaadiyay 23 qof oo Soomaali ah oo ay haysteen kooxo burcad ah oo ku shaqeysta afduub iyo madax-furasho.

Wararka ka imaanaya magaalada uu howlgalku ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Liibiya ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ka tirsan kooxdii burcadda ahayd, kuwaas oo tiradoodu gaareyso shan (5) ruux, kuwaas oo dhammaantood la sheegay inay yihiin muwaadiniin Soomaali ah.

Sida ay saraakiisha Liibiya sheegeen, dadka la soo badbaadiyay waxaa ka mid ah 10 dumar ah iyo 13 rag ah, kuwaas oo lagu hayay xarun si qarsoodi ah ay u maamulayeen kooxaha afduubka iyo Tahriibinta dadka ka ganacsada.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in dadka la soo badbaadiyay loo gudbiyay xarun caafimaad si loola socdo xaaladooda caafimaad iyo nafsiyeed, halka eedeysanayaasha la soo qabtayna la horgeyn doono maxkamad si loo marsiiyo cadaaladda.

Warbixinta hordhaca ah ma sheegin halka saxda ah ee howlgalka uu ka dhacay, balse ilo gudaha ah ayaa tilmaamaya in uu ka dhacay koofurta Liibiya oo ah meelaha ay inta badan ka dhacaan falalka afduubka dadka tahriibka ah.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Liibiya ku baacsanayso kooxaha ka ganacsada tahriibka iyo dadka la afduubto ee doonaya inay gaaraan Yurub.