Trump oo wacad ku maray inuu cirib tiri doono Xamaas

0
185

Nov 21(Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu cirib tiri doono kooxda Xamaas haddii ay jebiyaan heshiiska cusub ee la xiriira marinka Qaza.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad, isaga oo sheegay in Xamaas lagu wargeliyay in ay dhowraan heshiiska, balse haddii ay ku xad-gudbaan, “ay wajihi doonaan jawaab adag oo aan hore loo arag.”

“Waxaan heshiis la galnay Xamaas. Haddii ay jebiyaan ama isku dayaan in ay carqaladeeyaan, waan baabi’in doonaa. Ma jiri doono Xamaas markaas kadib,” ayuu yiri Trump.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xiisad cusub ay ka taagan tahay marinka Qaza, iyadoo warbixinno laga helayo gobolkaas ay sheegayaan in wadaxaajoodka nabadeed ee u dhexeeya dhinacyada weli ay yihiin kuwo adag.

Dowladda Mareykanka ayaa hore u sheegtay in ay “fursad nabadeed” u aragto heshiiska Qaza, balse hadalkan cusub ayaa tilmaamaya in Washington diyaar u tahay tallaabo militari haddii xaaladdu faraha ka baxdo.