Nov 25(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka khudbad dastuuri ah ka jeedin doona furitaanka kal-fadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, taas oo ka dhici doonta magaalada Garoowe, caasimadda maamulka.
Khudbadda Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda guud ee maamulka, waxqabadka xukuumaddiisa, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, iyo qodobo kale oo muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka Puntland.
Siciid Deni ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka waday abaabulka duulaanka ka dhaka ah Argagixisada. Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee shalay ku laabtay Garoowe si uu uga qayb galo furitaanka kal-fadhiga cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Khudbadda maanta ayaa ah mid ka mid ah khudbadaha sannadlaha ah ee dastuuriga ah ee uu Madaxweynaha Puntland jeediyo marka uu furmayo kal-fadhiga Golaha Wakiillada. Waxaa lagu wadaa in khudbaddaasi ay noqoto mid uu Madaxweyne Deni ku soo bandhigo xaaladda guud ee maamulka, qorshayaasha sanadka soo socda, iyo istiraatiijiyadaha xukuumaddiisu u dejisay horumarinta amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada iyo khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan
Golaha Wakiillada Puntland ayaa la filayaa in ay dhageystaan khudbadda Madaxweynaha, ka dibna ay bilaabaan dood iyo falanqeyn ku saabsan qodobbada uu soo jeediyo. Kalfadhigan cusub ayaa sidoo kale lagu waday in lagu ansixiyo sharciyo iyo qorshayaal horumarineed oo muhiim u ah maamulka.
Khudbadda Madaxweyne Deni ayaa noqon doonta mid si weyn loo eegayo, maadaama ay imaneyso xilli ay Puntland wajaheyso caqabado siyaasadeed iyo amni, balse ay sidoo kale jiraan fursado lagu xoojin karo midnimada iyo horumarka maamulka.










