Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland

0
144

Nov 28(Jowhar)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee maamulka Puntland.

Sida lagu sheegay qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha uu tixgeliyey qodobbada 80-aad iyo 87-aad ee Dastuurka Puntland, kuwaas oo siinaya awoodda Madaxweynaha inuu tallaabo ka qaado hay’adaha garsoorka marka ay jiraan cabashooyin ama baahi dib-u-habeyn.

Madaxweyne Deni ayaa xusay in uu helay cabashooyin isdaba joog ah oo ku saabsan caddaalad-darro iyo eedeymo ka dhan ah Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus, taas oo sababtay in la kala diro dhammaan xubnihii hore ee Maxkamaddaas, oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha.

Inta laga dhisayo Maxkamad cusub, waxaa lagu wargeliyey in go’aannada la xiriira denbiyada culus iyo xabsi-xalaalaynta ay si ku-meelgaar ah u qaadan doonaan Maxkamadaha Racfaanka ee Puntland.

Sidoo kale, saraakiishii hore ee ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ayaa lagu amray in ay dib ugu laabtaan talisyadoodii hore.