Nov 03(Jowhar)-Laba askri oo ka tirsan Nabad Sugida magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay degmada Garasbaaley ee dhacda duleedka caasimadda.
Sida wararku sheegayaan, dilkan waxaa u geystay askri ka tirsan ciidamadda Gorgor oo watay qori AK47 ah, isagoo rasaas ooda ugaga qaaday labada askari kadib muran sii kala dhex galay.
Askriga Gorgorka ah ayaa hiilo ama danaani ahaan goobta u yimid waxaana soo kaxeystay qof shacab ah oo muran hore kala dhexeeyay ciidankan ka tiraan Nabad Sugida degnada Garasbaaley.
Gacan ku dhiiglaha oo isaguna ay dhaawaceen marxuumiinta ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina, isagoo gacmaha ka xiran, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka ee dalka.
Laamaha amaanka ayaa sidoo kale baadi-goobayaa qofkii shacabka ahaa ee soo kaxeystay askarigan Gorgorka ah ee dhibaatada geystay.










