Nov 04(Jowhar)-Wadamada Khaliijka Carabta ayaa shaaciyay in Itoobiya aan wax laga weydiineynin Badda Cas, shaqana aysan ku leheyn.
Xoghayaha Guud ee ururka Gacanka Carabta oo ay ku midaysan yihiin dalalka Khaliijka Jaasim Mohamed Abdulqawi ayaa maanta sheegay mowqifka dalalka ururka ee ku aaddan damaca Itoobiya ee Badda Cas.
Xoghayaha Ururka Gacanka waxaa uu sheegay inaa Itoobiya waxba laga waydiinayn arrimaha Badda Cas, oo aysan shuqul ku lahayn, taas oo ka dhigan inay meesha ka saarayso doonista aan salka lahayn ee Itoobiya ee Badda Cas.
Tani ayaa u muuqata dharbaaxo diblomaasiyadeed oo ay la kulantay Itoobiya, taasoo loo badinayo iney ka shaqeysay Masar oo si wayn u diidan doonista Itoobiya ee gaarista Badda Cas. Addis Ababa ayaa bilowday olole xoog iyo xeeladba ku dhisan oo ku raadinayso iinay cagaha dhigto biyaha Badda Cas.










