Nov 04(Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka (Somali Internet Governance Forum),
Ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay in shirkan ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo lagu horumarin karo maamulka iyo nidaamka isticmaalka Internet-ka ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay la jaanqaaddo dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo nidaam iyo sharci cad u dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah.
“Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka, waa in ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah oo aan la tagi karno shirarka caalamiga ah ee tiknoloojiyadda looga hadlayo.
Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Midnimada Qaranka, isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka iyaga oo dhowraya danta guud.
Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay sii xoojin doonto dadaallada lagu dhisayo sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka, si loo hubiyo amniga dijitaalka ah, xuquuqda isticmaalayaasha, iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalkeenna.










