Muslimkii u horeeyay oo ku guuleystay duqa magaalada New York

0
121

Nov 05(Jowhar)-Musharraxa xisbiga Dimuquraadiga Zahran Mamadaani, ayaa ku guuleystay doorashada jagada duqa magaalada New York ee Mareykanka.

Waxa uu ka guuleystay Andrew Cuomo oo xisbiga Jamhuuriga ka socday, taageero xoogganna ka helayay madaxweyne Trump.

Zohran Mamdani oo 34 jir ah wuxu noqonayaa duqii ugu da’da yaraa ee soo mara magaalada, wuxuu sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah oo magaalada ka noqda duq magaalo iyo sidoo kale qofkii ugu horeeyay ee xilkaas qabto oo ka soo jeeda Koonfurta Aasiya kuna dhashay qaaradda Afrika.

Trump wuxuu ku goodiyay inuu New York dhaqaalaha ka jari doono haduu soo boxo Zahran Mamadaani, wuu soo baxay lamana oga inuu go’aankiisa ka dhabeyn doono iyo inkale.