Jubbaland, Puntland & Madasha Samatabixinta oo ku heshiiyay qaab-dhismeedka golaha cusub

0
80

Nov 09(Jowhar)-Guddiyo farsamo oo ka kala socday Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale Madasha Samatabixinta Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirayay magaalada Nairobi, ayaa lagu soo waramayaa inay gaareen is-afgarad buuxa oo ku saabsan qaab-dhismeedka golaha cusub ee horey loogu dhawaaqay.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dhinacyadan ayaa sheegay in shirarkii Nairobi lagu gorfeeyay arrimo la xiriira cidda hoggaamin doonta golaha, nooca uu u dhisnaan doono, iyo doorkiisa siyaasadeedxilligan adag ee uu dalka marayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyadu ay isku raaceen in madasha rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono golaha ay ka dhici doonto magaalada Kismaayo, taas oo noqon doonta kulanka kama dambeysta ah ee lagu soo gabagabeynayo qorshahan muhiimka ah.

Shirkaas ayaa la filayaa in uu diiradda saaro xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka soo socda iyo habka loo mideynayo mowqifyada siyaasadeed ee maamul-goboleedyada iyo madasha mucaaradka.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-hadallada, toddobaadyada soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa waqtiga rasmiga ah ee kulanka Kismaayo, kaas oo loo arko mid jiheyn cusub u horseedi kara siyaasadda Soomaaliya.