Nov 09(Jowhar)-Wada hadalo hordhac ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka Socday Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa Keenay in ay Caawa magaalada Nairobi ee Dalka kenya ku kulmaan Gudoomiyihii Hore ee Baarlamanka Soomaaliya Mohamed Mursal iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi casiis Laftagareen.
Kulamadan oo ay gar wadeen ka ahaayen Xildhibaan Aadan Saransoor , Wasir hore Amiin Axmed iyo Abukaato Axmed dheere ayaa Lagu guuleestay in Gudoomiye Mursal uu aqbalo in uu la kulmo Madaxweyne Lafta-gareen.
ilo wareedyo Ku dhaw dhaw labada dhinac ayaa noo sheegay in madaxweynaha KGs Lafta-gareen uu dalbaday Kulankaan uuna isaga ergo u diray Si uu isaga yareeyo Cadaadis kaga imaanayo Dhinaca Gudoomiyihi hore Barlamanka Maxamed Mursal iyo Hadal haynta Ka dhalayay Diidmadii Safarka Magalada Baydhabo .
Kulankaan ayaa lagu wada in labada dhinac ugu wada hadlaan Khilaafkooda si shaqsi ah iyadoo aan Xisbi iyo koox midna Ka soconin Sida ay i xaqiijiyeen Dhinacyada
Kulankaan ayaa imaana xili 21 bishii hore ee Octoober uu Maamulka Koonfur galbeed Ka biya diiday Socdaal uu baydhabo ku tagi lahaa Gudoomiye Mursal iyo xildhibaano La socday kuwaasoo Kasoo Wada Jeeda KGs










