Syria oo ku biireysa isbaheysiga lagula dagaalamayo kooxda Daacish

0
81

Nov 11(Jowhar)-Maraykanka ayaa sheegay in Syria ay ku biirayso isbahaysiga caalamiga ah ee looga adkaanayo kooxda Daacish, isla markaana ay dib u bilaabayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington.

Tani ayaa waxay ku soo beegantay wadahadallo ka dhacay Aqalka Cad, oo dhex maray Donald Trump iyo madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Syria ayaa ku biiri doonta isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka, taasi oo calaamad u ah isbedel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli madaxweyne Donald Trump uu Aqalka Cad kula kulmay madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa, waa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Suuriyaan ah taariikhda dalkaas.

Isagoo wareysi siinayay Fox News, al-Sharaa wuxuu sheegay in booqashadu ay qayb ka tahay “waa cusub” oo waddanku uu iskaashi kula yeelan doono Mareykanka.