Nov 12(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu khilaaf siyaasadeed oo xooggan uu ka dhex qarxay Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP kaddib markii lagu dhawaaqay musharraxa xisbigu ee u taagan doorashada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Waxaa lagu dhawaaqay in Jen. Muungaab uu yahay musharraxa rasmiga ah ee Xisbiga JSP ee u taagan xilka Duqa Muqdisho, sida uu sheegay Xoghaye Ku-xigeenka Xisbiga JSP, Xuseen Sheekh.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaas ayaa dhaliyay muran iyo caro gudaha ah, kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Madaale uu si adag uga jawaabay, isagoo sheegay in go’aankaas aanu sharci ahayn isla markaana uu jabinayo xeer-hoosaadka doorasho ee Xisbiga JSP.
Guddoomiye Madaale ayaa yiri:
“Waxaa nasiib darro ah in ku-xigeenka xoghayaha guud ee Xisbiga JSP uu meel olole uu ka socdo kaga dhawaaqo musharraxa Xisbiga ee gobolka Banaadir. Xisbiga JSP wuxuu leeyahay xeer-hoosaad doorasho oo qeexaya habka musharraxiinta loo soo xulayo.”ayuu yiri.
Khilaafkan ayaa imaanaya xilli la filayo in doorashada Golaha Deegaanka ee Muqdisho ay qabsoonto maalmaha soo socda, taasoo ka dhigeysa tartanka musharraxiinta mid kulul oo saameyn weyn ku leh siyaasadda gudaha ee Villa Soomaaliya.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxda sare ee Xisbiga JSP ay ku hawlan yihiin xalinta khilaafka, si looga hortago inuu saameeyo midnimada iyo sumcadda xisbiga xilligan adag.










