Farmaajo oo xalay la kulmay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya

0
101

Nov 16(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay booqasho iyo salaan ku qaabilay hoygiisa Muqdisho qaar ka mid ah wasiirrada Xukuumadda Federaalka, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin.

Wasiirrada booqashada uuga tagay Farmaajo waxaa ka mid ahaa Wasiir Cali Balcad, Wasiir Cali Xoosh iyo Wasiir Xersi Gaani.

Dhinaca kale, Farmaajo waxaa kulanka ku wehliyay xubnaha hoggaanka u haya ololihiisa siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin Wasiir hore Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire, Siyaad Maxamuud Shire (Camuu), iyo Xildhibaan hore Alankeey.

Kulanka oo ahaa mid salaan iyo is-xogwaraysi ah ayaa muujinaya in Madaxweynihii hore Farmaajo si furan u wato ololihiisa siyaasadeed, iyadoo Xukuumadda federaalka aan wax culeys ah saari doonin si uu qaabiladiisa maalin laha u wato .