Madaxweynaha Venezuela oo si qarsoodi ah Trump ugu soo bandhigay heshiis shidaal oo waaweyn

0
53

Nov 16(Jowhar)-Wargeyska The New York Times ayaa daabacay warbixin sheegaysa in Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, uu si qarsoodi ah ugu soo jeediyay madaxweynaha  Mareykanka, Donald Trump, inuu qayb ballaaran oo ka mid ah kaydka shidaalka Venezuela oo lagu qiyaaso 300 bilyan oo foosto ugu wareejiyo Mareykanka, si looga fogaado duullaan milatari oo Mareykanku ku qaado Venezuela.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Trump uu diiday qorshahaas, balse taa beddelkeeda uu u diray maraakiib dagaal xeebaha u dhow Venezuela, si uu cadaadis uga saaro Maduro looguna helo heshiis ka awood badan midka uu soo bandhigay.

Ilaa iyo hadda  majiro wax falcelin rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Venezuela. Madaxweyne Maduro arrintan ma beenin mana xaqiijin, iyadoo weli Caracas ay aamusan tahay.

Dhanka kale, markii warbixintan la shaaciyey, hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela ee u janjeerta reer Galbeedka, María Corina, ayaa muuqaal ku baahisay baraha bulshada. Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in kaydka shidaalka, macdanta iyo khayraadka dalka ay la wadaagto Mareykanka, haddii Washington ka taageerto inay xukunka dalka la wareegto.

Arrintani waxay abuurtay hadal-hayn xooggan gudaha Venezuela iyo caalamka, iyadoo la filayo in Mareykanka iyo xukuumadda Maduro ay goor dhow soo saaraan jawaab rasmi ah oo ku saabsan warbixintan la isku haysto.