Nov 16(Jowhar)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya (HSJ) ayaa shaacisay in ay ogaatay weerar dhanka internetka ah oo lagu beegsaday qayb ka mid ah xogta rakaabka ee ku jira nidaamka socdaalka dalka (e-TAS). Sida ku xusan war-saxaafadeedka hay’adda, markii arrintu soo baxday ayaa si degdeg ah loo qaaday tallaabooyin lagu hakiyay falka laguna baarayo si loo yareeyo waxyeellada ka dhalan karta.
Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan u aragtay mid aad muhiim u ah, waxayna u saartay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah iyo takhasusyo farsamo oo ku xeel dheer ilaalinta xogaha. Guddigan ayaa loo xilsaaray sidii loo ogaan lahaa sida weerarku u dhacay, cidda ka dambeysa, iyo heerka uu saamaynta ku yeeshay.
HSJ waxay sheegtay in marka baaritaanka la soo gabagabeeyo la soo bandhigi doono warbixin dhammeystiran oo sharaxaysa natiijooyinka rasmiga ah iyo tallaabooyinka lagu saxayo amniga nidaamka.
Inta lagu guda jiro baaritaanka, hay’addu waxay ballanqaadday in dadka laga yaabo in ay saamayn ku yeelatay arrintan si toos ah loogu wargelin doono, iyadoo lagu adkeynayo in keliya marinada rasmiga ah ee dowladda laga raaco dhammaan macluumaadka ku saabsan dhacdadan.











