Nov 19(Jowhar)-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib cod loo qaaday kulankii ay yeesheen mudanayaasha Aqalka Sare.
Waxaa xubnaha guddiga oggolaaday 28 Senator, halka hal Senator uu ka aamusay, mana jirin cid diiday. Ansixinta kadib, isla goobta ayaa xubnaha cusub lagu dhaariyay, si ay si rasmi ah ugu bilaabaan waajibaadkooda.
Guddigan waxaa horay u soo ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in dhowaan ay doortaan guddoomiyahooda rasmiga ah, si ay u bilaabaan shaqooyinka muhiimka ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.










