Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed

56

Nov 24(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Ambassador Alper Aktas.

Kulanka labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyada oo mudnaanta la siiyay arrimaha:

• Horumarinta iskaashiga diblomaasiyadeed

• Kobcinta mashaariicda horumarineed

• Arrimaha socdaalka iyo fududeynta isu-socodka labada shacab

• Kor u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal

Wasiir Cabdisalaan iyo Safiir Aktas ayaa sidoo kale xusay in sanadkan uu muhiim u yahay xiriirka labada dal, maadaama uu 60 sano jirsaday xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga—xiriir ku dhisan walaaltinimo, iskaashi iyo iska warqab joogto ah.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, iyada oo ka taageerta dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo dib u dhiska, halka Soomaaliya ay ku ammaantay Turkiga kaalinta firfircoon ee uu kaga jiro taageerada joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed.