Lataliyaha Africom oo ka dagay Boosaaso, lana kulmay madaxweyne xigeenka Puntland

71

Nov 27(Jowhar)-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor oo Safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso.

Ayaa maanta qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo taliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Africom, Gen. Dagvin R.M. Anderson, ayna qeyb ka yihiin Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis , diblumaasiyiin iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga la dagaalanka Argagixisada ee Gobolka, gaar ahaan dhameystirka Hawlgalka Argagixisada Daacish looga sifeynayo Calmiskaad iyo wadashaqeynta amniga badaha (Maritime Security).

Dowladda Maraykanka ayaa ku boggaadisay Puntland ka go’naanshaha iyo adkeysiga Ciidanka Puntland ee ciribtirka argagixisada Daacish. Dowladda Puntland ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Dowladda Maraykanka, gaar ahaan hawlgalka Africom taageerada joogtada ah iyo doorkooda hawlgalka .

Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Gen. Aaden Cabdi Xaashi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, Agaasimaha Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed, La-taliyeyaasha Madaxwehnaha ee arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Mudane Maxamed Warsame Seefta Banaanka iyo Saraakiil Madaxtooyo.