Dec 01(Jowhar)-Tan iyo bilowgii sanadkan sii dhamaanaya ee 2025, hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya waxay shaqada ka joojiyeen in ka badan 680 shaqaale, sabab lagu sheegay hoos h dhac ku yimid maalgelinta gargaarka.
Dadka shaqa ka joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah;
• 158 shaqaale caalami ah
• 522 shaqaale Soomaaliyeed
Hoos u dhaca ugu weyn wuxuu taabtay hay’adaha UNICEF, WFP, FAO iyo UNFPA, halka UNDP iyo xafiisyo kale oo QM ahna ay sidoo kale shaqaale dhimis sameeyeen.
Khuburadu saddex waxyaabood ayey arrintan Sabab uga dhigeen:
• Hoos u dhac ballaaran oo deeq-bixiyeyaasha ah,
• Joojinta maalgelin badan oo dibadda ah, gaar ahaan barnaamijyadii USAID,
• Deeqihii caalamiga ahaa oo loo wareejiyay colaadaha Ukraine, Koonfurta Suudaan iyo Suuriya.










