RSF oo xasuuq ka geysatay xanaano Caruur oo ay ku dishay 50 qof

214

Dec 07(Jowhar)-Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah ayaa lagu weeraray magaalada Kalogi oo ka tirsan gobolka Koonfurta Kordofan ee dalka Suudaan.

Waxaana la sheegay in ay duqeysay xarun lagu xannaaneeyo carruurta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 50 qof oo ay ku jiraan 33 carruur ah.

Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) oo ah kooxda dagaalka sokeeye kula jirta ciidanka Sudan, ayaa lagu eedeeyay weerarkii Khamiista waxaana ku eedeeyay urur caafimaad, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan iyo ciidanka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay RSF.

RSF-ta ayaa dhankeeda ku eedeysay ciidanka in ay Jimcihii diyaarad aan duuliye lahayn ku garaaceen suuq, weerarkaas oo ka dhacay gobolka Darfur, iyo sidoo kalena ay weerareen bakhaar shidaal oo ku yaal xadka Adre ee xadka Chad.

Suudaan waxaa halakeeyay dagaal tan iyo bishii April 2023 markaas oo uu dagaal awoodeed ku dhex maray RSF iyo ciidanka, kuwaas oo hore xulafo u ahaa.