Weerar ka dhacay magaalada Sydney oo lagu beegsaday Yahuud dabaal dag dhiganeysay

651

Dec 14(Jowhar)-Weerar hubeysan oo dhiig badan ku daatay ayaa ka dhacay deegaanka Bondi Beachee magaalada Sydney, kadib markii laba nin oo hubeysan ay rasaas ku fureen dad Yuhuud ah oo halkaasi ugu dabaaldegayay ciid diimeed ay leeyihiin.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, weerarka ayaa sababay khasaare nafeed oo culus, iyadoo in ka badan 10 qof la xaqiijiyay inay ku dhinteen, halka dad kale oo badan ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood loola cararay isbitaallada, xaaladdooduna ay weli halis tahay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaasta si toos ah loogu furay dadka Yuhuuda ah ee ku sugnaa xeebta, taasoo keentay argagax iyo jahwareer baahsan. Weerarka ayaa si degdeg ah u beddelay goobtii dabaaldega mid ay buuxiso cabsi iyo kala carar.

Booliiska Australia ayaa xiray aagga Bondi Beach, waxayna bilaabeen baaritaan ballaaran. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in weerarka loo arko mid ku saleysan naceyb diimeed, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin ujeedada dhabta ah ee falka.

Dowladda Australia ayaa si adag u cambaareysay weerarka, iyadoo masuuliyiin sare ay tacsi u direen qoysaska dadka ku dhintay, isla markaana ay ballanqaadeen in ciddii ka dambeysay la hor keeni doono sharciga.

Dhacdadan ayaa walaac xooggan ka dhalisay guud ahaan dalka Australia, gaar ahaan bulshada Yuhuudda, iyadoo ammaanka goobaha diimeed iyo meelaha dadku ku badan yihiin la adkeeyay.

Weerarka Bondi Beach ayaa noqday mid ka mid ah dhacdooyinka ugu khasaaraha badan ee Sydney ka dhaca sanadihii u dambeeyay, waxaana weli socda baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan faahfaahinta iyo cidda ka dambeysay.