Madaxweyne Xasan oo lagu soo dhaweeyay magaalada Addis-ababa

38

Dec 19(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan gegida diyaaradaha ee Addis Ababa, waxaana uu furmay kulan dhexmaraya labada dhinac.

Safarka Madaxweynaha ayaa ah booqasho hal maalin ah, iyada oo la filayo inuu Muqdisho kusoo laabto.