Dec 20(Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Soipan Tuya, ayaa maanta soo gaartay magaaladda Kismaayo ee xurunta KMG ah ee Jubbaland.
Booqashada waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Dhulka Kenya, Jeneraal David Ketter.
Wasiir Tuya ayaa sheegtay in ay booqatay saldhigyada ciidanka Kenya ee Kismaayo balse socdaalkeeda ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo shirarka mucaaradku ka socdaan Kismaayo.











