Sharif Sheekh Axmed oo muranka doorashooyinka kala hadlay James Swan

76

Dec 24(Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan caqabadaha ka taagan dib-u-eegista Dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo qaar ka mid ah saamileyda siyaasadda, kuwaas oo muujinaya walaac ku saabsan habraaca go’aannada siyaasadeed iyo sida loo wajahayo marxaladda kala guurka ah ee dalka.

Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Ergayga Qaramada Midoobay uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-tashi ballaaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ilaalinta hannaanka dimuqraadiyadeed, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.

Dhankiisa, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu Ergayga la wadaagay aragtida Xisbiga Himilo Qaran ee ku aaddan baahida loo qabo midnimo siyaasadeed, ilaalinta Dastuurka KMG ah, iyo qabashada doorashooyin loo dhan yahay.

Kulankan ayaa imanaya iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya, islamarkaana ay marar badan ku celcelisay baaqyo ku aaddan in la helo xal siyaasadeed oo wadahadal ku dhisan.