Wararkii u danbeeyay doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay magaalada Muqdisho

83

Dec 25(Jowhar)-Doorashada Golaha Deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho, iyadoo kumannaan dadweyne ah ay ka qeyb qaadanayaan codeynta.

Doorashadan ayaa ka dhaceysa 16 degmo, waxaana loo asteeyay 523 goobood oo codbixin ah, kuwaas oo ay dadku safaf dhaadheer ugu jiraan si ay codkooda u dhiibtaan.

Waxaa doorashadan ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan heer xisbiyo rasmi ah. Dadweynaha codeynaya ayaa kala dooranaya ururadaasi, iyadoo ay u sharaxan yihiin in ka badan 1,600 musharrax oo ku tartamaya 390 kursi oo yaalla degmooyinka ay doorashadu ka socoto.

Mas’uuliyiinta doorashada ayaa sheegay in hanaanka codeynta uu u socdo si nidaamsan, iyadoo la adkeeyay amniga goobaha codbixinta si loo xaqiijiyo badqabka dadweynaha iyo musharraxiinta.

Doorashadan ayaa taariikh weyn u leh dalka, maadaama ay tahay middii ugu horreysay ee qof iyo cod ah ee laga qabto magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, tan iyo 57 sano ka hor, taasoo muujinaysa horumar laga gaaray hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Waxaa la filayaa in natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada la shaaciyo saacadaha ama maalmaha soo socda, iyadoo indhaha ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.