Dec 26(Jowhar)-Dawladdaha Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay mid aan gabi ahaanba la aqbali karin isla markaana xadgudub ku ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalkan ayaa lagu adkeeyay in tallaabadan ay ka hor imanayso xeerarka caalamiga ah, isla markaana ay khatar ku tahay xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wadahadal taleefan la yeeshay hoggaamiyayaasha dalalkan, isagoo uga warramay halista amni iyo siyaasadeed ee ka dhalan karta arrintan, islamarkaana wuxuu adkeeyay baahida loo qabo isku-duwid iyo mowqif mideysan oo looga hortago tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya.
Hoggaamiyayaasha Masar, Turkiga iyo Jabuuti ayaa muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo danaha Qaranka Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa imaneysa xilli xaaladda gobolka ay aad u nugushahay, taasoo ka dhigaysa arrintan mid si dhow isha loogu hayo.











