Senator Dubbe oo kudhowaaqay inuu iska casilay xildhibaanimada

118

Dec 28(Jowhar)-Senator Cusmaan Dubbe, oo ka tirsanaa Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana hore u soo noqday Wasiirka Warfaafinta JFS, ayaa maanta iska casilay xilkii Senatornimo.

Senator Cusmaan Dubbe ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo uu kala dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in madaxweynuhu ku howlan yahay tallaabooyin halis ku ah deegaankiisa, isla markaana uusan doonayn in uu ka mid noqdo wax uu ku tilmaamay dhibaato lagu hayo bulshada uu ka soo jeedo.

Dhanka kale, xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, oo ay ku jiraan xildhibaano iyo senatarro, ayaa iyaguna qorsheynayaan in ay qaadaan tallaabooyin la mid ah, kuwaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu cadaadis ku saaray xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, isaga oo u sheegay in aysan sii aamusnaan Karin, islamarkaana laga rabo in ay 7 maalmood gudahood ku soo bandhigaan mowqif cad oo ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee taagan.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli uu dalka wajahayo xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, taas oo saameyn ku yeelan karta wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo jihada guud ee siyaasadda dalka.