Sucuudiga oo duqeeyay Maraakiib Hub siday oo Imaaraatka ka yimid

98

Dec 30(Jowhar)-Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa shaaciyay inay duqayn “xaddidan” ka fuliyeen dekadda Mukalla ee gobolka Xadramuut ee dalka Yemen.

Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga (WAS) ayaa baahisay in Hoggaanka Ciidanka Isbahaysiga ay Fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday hub iyo saanad Militeri oo dibadda ka timid oo ku sugnaa dekadda Mukalla.

Xogta Maraakiibta la weeraray

Isbahaysigu wuxuu sheegay in laba markab oo ka yimid dekadda Al-Fujairah ee Imaaraadka ay soo galeen dekadda Mukalla iyagoon oggolaansho ka helin isbahaysiga.

Maraakiibtan ayaa la sheegay inay damiyeen qalabkii lagala socday (tracking systems), ka dibna ay dekadda ka dejiyeen hub iyo gaadiid dagaal oo loogu talagalay Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC).

Amarka weerarka

Afhayeenka Isbahaysiga, Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in duqayntan ay timid kaddib markii ay codsi ka heleen Madaxweynaha Yemen, Rashad Al-Alimi (Rashaad Alcalami), si loo ilaaliyo amniga gobollada Xadramuut iyo Al-Mahra.

Sucuudiga oo galka seefta kala baxay

Tallaabadan ayaa muujinaysa kor u kac cusub oo ku saabsan is-mari-waaga u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ku aadan saamaynta ay ku leeyihiin koonfurta Yemen, iyadoo Sacuudigu uu doonayo inuu xaddido awoodda ciidanka STC gooni-goosadka ee ay taageerto Imaaraadku.

Waa gacan qaadkii koowaad ee ciidanka Sucuudiga hoggaamiyo ka qaadaan Imaaraadka iyo wakiilladiisa gobolka, waxaana la fili karaa in tallaabadani horseedo isku dhac awoodeed iyo loollan hubaysan oo dhexmara dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.