Soomaaliya oo la safatay Sucuudiga, kana hor-timid Imaaraatka Carabta

83

Dec 31(Jowhar)-Dowladda Federaalka ah ayaa xalay sii daysay bayaan ku qoran luqad adag oo dublumaasiyadeed kaas oo ay ku taageertay siyaasadda iyo hoggaaminta Boqortooyada Sucuudiga ee arrimaha dalka Yemen.

Soomaaliya, marnaba Kuma soo hadal qaadin warkeeda dalka Imaaraadka oo ah cidda uu Sucuudigu gacanta ka qabanayo Arrimaha dalka Yemen ee Dowladda Soomaaliya ku ammaantay inuu kusocda go’aankiisa.

Soomaaliya, inay sidan u hadasho waxaa lagu fasiray heerka uu gaarsiisan yahay xidhiidka kala dhaxeeya dalka Imaaraadka, kaas oo indhaha ka dadbaday inuu ka hadlo xadgudubka Telaabiib kagashay Soomaaliya.

Si kastaba,Soomaaliya ayaa raacday Sacuudi Careebiya, waxayna sheegtay in ay taageersan tahay Talaabooyinka ay Sacuudiga ka wadaan gudaha dalka Yemen, kuwaas oo ay dawladda Soomaaliya sheegtay in lagu xaqiijinayo dadaallada amniga iyo xasilloonida Badda Cas & Geeska Afrika, isla markaana ay diiddan tahay khatar kasta oo taaban karta amniga Sacuudiga ama dalalka kale ee gobolka.