Jan 05(Jowhar)-Xubnaha guddiga Farsamada golaha mustaqbalka Soomaaliya ayaa wada hadalo uga furmeen magaalada Garoowe, waxayna ka doodayaan sidii ficil loogu bedeli lahaa qodobadii kasoo baxay shirkii Kismaayo, gaar ahaana qodobada 6-7aad.
Guddiga ayaa ka doodaya diyaarinta tubta wada xaajoodka doorashooyinka dalka & aragtida ay golaha mustaqbalka geyn doonaan, haddii ay Villa Somalia ka dhabayso balan-qaadyo hoosaadka kasoo baxaya ee sheegaya in ay qabanayso shir loo dhan yahay oo wadatashi ah.
Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa warar ku dhawdhaw sheegayaan in uu iclaaminayo madal wadatashi, taas oo ajendaha & ka qeybgalayaasheeda aan wali cidna heshiis ku aheyn.










