Abiye Axmed oo si kulul u canbaareeyay weerarkii Israel ee dalka Qatar

0
41

Sep 13(Jowhar)-Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa si kukul u cambaareeyay weerarkii diyaaradaha Israa’iil ay ku qaadeen magaalada Doha ee dalka Qatar.

Abiy Ahmed ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani, isagoo u muujiyay garab istaag iyo taageero buuxda. Wuxuu xusay in Itoobiya ay barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar xilligan adag, islamarkaana ay si cad u diidan tahay ficillada militari ee khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida gobolka.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xasiloonida iyo wada noolaanshaha gobolka Bariga Dhexe, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wadahadal iyo xal siyaasadeed oo looga hortago in xiisaddu sii fido.

Dhankiisa, Amiirka Qatar ayaa uga mahadceliyay Itoobiya taageerada iyo mowqifka ay ku muujisay cambaareynta weerarka, isagoo tilmaamay in Qatar ay sii wadi doonto dadaallada ay ku ilaalinayso amniga iyo nabadda gobolka.