Jan 29(Jowhar)-Guddiyada wada-hadallada Xukuumadda Federaalka & Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shir farsamo ku leh caasimadda ayaa isku raacay in ajandayaasha shirka madaxda DFS & Golaha Mustaqbalka 1-da Febraayo ay noqdaan; Doorashooyinka, Dastuurka, Midnimada, Dagaallada-xoraynta & Abaaraha.
Shirka ayey sida oo kale isku raaceen in uu ka qabsoomo hutel ku yaal gudaha xerada Xalane, iyada oo madaxda Puntland & Jubbaland ay diideen geista Villa-Somalia.
Guddiyada ayaa weli ka doodaya ammaanka & habmaamuuska madaxda, iyada oo DFS ka walaacsan tahay in Madaxweyne Deni & Madaxweyne Madoobe ay ciidamo culus la galaan caasimadda, si la mid ah wada-hadalladii doorashadii 2022.
Sida ay ilo-wareedyada gudaha tilmaameen; DFS ayaa taxadar badan ka muujinaysa ‘Dastuurka & Doorashooyinka’ halka Puntland & Jubbatland ay ka fekerayaan sida loo dhigayo ‘Midnimada’ oo aysan weli ka hadlin.










