Sunday, February 15, 2026
Home NEWS Akhriso;Bayaan ka soo baxay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka iyo Khilaafka Guddiga...

Akhriso;Bayaan ka soo baxay Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka iyo Khilaafka Guddiga oo sare u kacay

63

Feb 15(Jowhar)-Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa soo saaray bayaan walaac muujinaya oo ku saabsan tallaabooyin ay sheegeen in ay ka hor imanayaan sharciga iyo xeerarka u degsan guddiga.

Xubnahan ayaa sheegay in kulamo dhowaan la qabtay aysan buuxin shuruudihii sharci ee kooramka iyo habraaca go’aan-qaadashada, sida ku cad Qodobka 14aad, farqadaha 2 iyo 3 ee Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27 Juun 2016, kaasoo lagu aas aasay guddiga. Waxay tilmaameen in go’aanno lagu gaaray qaab aan waafaqsaneyn habraaca saxda ah, taasoo shaki gelinaysa ansaxnimadooda sharci.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in ay jiraan khaladaad maamul iyo habraac saameyn ku yeeshay hufnaanta, wada-tashiga iyo sharciyadda kulamada guddiga, arrintaasoo ay xubnuhu ku tilmaameen mid dhaawici karta kalsoonida shacabka iyo waajibaadka guddiga.

Xubnaha bayaanka soo saaray ayaa si gaar ah uga digay ansixinta habraacyo shaqo iyo xeerar cusub oo ay sheegeen in wali ay ka dhex taagan yihiin khilaafaad sharci oo aan la xallin. Waxay ku doodeen in tallaabooyinka noocaas ah ay wiiqi karaan midnimada hay’adda isla markaana ay dhaawici karaan madaxbannaanida guddiga.

Dhinaca kale, bayaanka ayaa lagu xusay in magacabid la sameeyay kadib doorashadii hoggaanka ee 4 Febraayo 2026, gaar ahaan 7 Febraayo 2026, iyadoo la tilmaamay in habka loo maray aanu si buuxda ula jaanqaadin sharciga iyo talo wadaagga xubnaha.

Xubnahan ayaa ugu baaqay in si degdeg ah loogu laabto ku dhaqanka buuxa ee Sharciga Lr. 16 (27 Juun 2016), dibna loo eego ama loo hakiyo go’aannada muranka dhaliyay ilaa laga caddeeyo sharciyadooda. Waxay sidoo kale ku baaqeen in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan sharci ah oo wada-jir ah, isla markaana la xoojiyo wada-tashiga iyo go’aan-qaadashada ku dhisan is-afgarad.

Gabagabadii, xubnaha bayaanka soo saaray waxay carrabka ku adkeeyeen in Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka loo aas aasay ilaalinta sharciga iyo difaaca xuquuqda aadanaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in hay’addu ku shaqeyso si waafaqsan sharciga si loo ilaaliyo kalsoonida iyo sumcadda ay ku dhex leedahay bulshada Soomaaliyeed.

HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA