Mar 21(Jowhar)-Warar kasoo baxaya warbaahinta gudaha Israa`iil ayaa sheegaya in askari ka tirsan nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome ee Israa’iil la xiray, laguna soo oogay in ay ahaayeen Basaasiin u shaqeynayey dawladda Iran, iyadoo aan faahfaahin badan la bixin.
Nidaamka Irone Dome dufcooyinka Israa`iil ee ka howlgala ayaa la mariyaa hubin mudo qaadata, gaar ahaana waa dad la yaqaano sooyaalkooda asaliga ah, halka ay ciidamada kasoo galeen ilaa la socodka xiliyadooda fasaxa, waxaana Tuhunkan cusub imaanayaa xili ay Iran ogaatay meelaha ay ka jilicsan yihiin nidaamka difaaca Israa`iil, taas oo kaliftay in ay si xoogan u beegsato.
Wakaalada wararka ee Reuters waxay heshay warar ku saabsan eedeymo basaasnimo oo ay Israa’iil laxariirisay dhinaca Iiraan, balse ma aysan xaqiijin kiiskan gaarka ah ee qaar kamid ah saraakiisha hageysay nidaamka difaaca Iron Dome.










