Wednesday, July 29, 2026
Home NEWS Askar Kenyan ah oo lagu diley meel ku dhow xadka Soomaaliya

Askar Kenyan ah oo lagu diley meel ku dhow xadka Soomaaliya

45

July 29 (Jowhar)-Shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga Kenya ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray iyaga iyo maleeshiyo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay ismaamulka Mandera oo u dhow xadka Soomaaliya, sida ay sheegeen booliiska.
Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in koox roondo ah oo ka tirsan SOG Alungu ay iska horimaad la galeen maleeshiyada Al-Shabaab agagaarka Wantey Dam.

Booliisku waxay sheegeen inay daba-joogaan maleeshiyada, kadib markii koox gurmad ah oo loo diray goobta uu haleelay qarax miino kaas oo burburiyay gaari gaashaaman, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah.

Weerarrada joogtada ah ee Al-Shabaab ay ka geysanayso gobolka ayaa inta badan loola danleeyahay ciidamada iyo dadka rayidka ah labadaba; iyadoo booliisku ay bishii Janaayo sheegeen in maleeshiyadu ay dileen oday dhaqameed iyo macallin ku sugnaa ismaamulka deriska la ah ee Garissa.