Thursday, February 12, 2026
Home NEWS Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif oo kulan uga socdo magaalada Muqdisho

Axmed Madoobe iyo Sheekh Shariif oo kulan uga socdo magaalada Muqdisho

22
Screenshot

Feb 12(Jowhar)-Madaxweynihii Todobaad ee Soomaaliya Shariif SHeekh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan waxa uu uga socdaa gudaha Airport Hotel, kulankkaasoo saxaafadda dibad joog ay ka tahay.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa shirka loo madlan yahay ee Golaha Mustaqbalka iyo dowladda oo buuqiisa wali taagan yahay, kaasii aan wax xal ah laga gaarin.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo maalmahan Nairobi safar ugu maqnaa yaa saaka soo dagay, wuxuuna si toos ah u aaday halka ay dagan yihiin Deni iyo Madoobe, lama oga waxa laga yeeli doono dalabka madaxweyne Xasan ee ah in shirka lagu qabto madaxtooyada.