Axmed Madoobe oo Q.Midoobe iyo Midowga Yurub kala hadlay shirka mucaaradka ee Kismaayo

172

Dec 14(Jowhar)-Madaxweynaha Jubaland  Axmed Madoobe, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo la falanqeeyay caqabadaha taagan iyo fursadaha lagu xoojin karo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo shirka dhawaan ka dhici doona Magaalada Kismaayo.

Shirka mucaaradka ayaa la filayaa inuu 17-ka bishan ka dhoco magaalada Kismaayo, walow dowladda dhexe ay isku dayeyso iney baajiso shirkaasi.

Madaxweynayaasha maamukada Puntland, Jubaland iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shirkaasi isugu imanayo, kaasoo diirada lagu saarayo jihada siyaasada ee dalka, maadaama mudo xileedka madaxweyne Xasan uu bilo ka harsan yahay.