Friday, February 20, 2026
Home NEWS Booliska Ingiriiska weli baaraya Andrew Mountbatten-Windsor

Booliska Ingiriiska weli baaraya Andrew Mountbatten-Windsor

31

Feb 20(Jowhar)-Ninka ay walaalaha yihiin boqorka Ingrisiika ee Andrew Mountbatten-Windsor ayaa la sii daayey balse waxaa weli ku socda baaritaan,ka dib markii la xiray sababo la xiriira shaki salka ku haya si xun u isticmaalid xafiis dawladeed.

Subaxnimadii Khamiista ayaa booliska Thames valley waxay sheegeen inay xireen Andrew oo 66 sano jir ah,iyagoo ka soo qabtay gurigiisa oo ku yaal Norfolk, waxayna wadeen baaritaan ay ka samaynayeen adareesyo ku yaalla Berkshire iyo Norfolk.

Boqor Charles-ka 3aad ayaa yiri sharcigu waa inuu shaqeeyo isagoo ka jawaabayey xarigga Andrew, booliskana wuxuu sheegay inay haystaan taageeradiisa iyo wadashaqayntiisa.

Boolisku waxay goor sii horreysay sheegeen inay ka baaraan degayaan in baaritaan lagu sameeyo Andrew asbaabo la xiriira ku xirnaanshihiisii Jeffret Epstein , ayna dib u eegayaan eedeymaha sheegaya inuu bixiyey macluumaad sir ah. Xiriirka dhex maray labada nin ayaa ka soo muuqday faylasha ay sii deysay xukuumadda Maraykanka.

Xarrigan ayaa ah kii ugu horreysay ee la xiro Andrew. Wuxuu si isdabajoog ah u beeniyey in uusan samayn wax khalad ah.

Booliska Thames Valley ayaa sheegay ka dib markii ay sameeyeen “qiimayn dhamaystiran” in hadda la furay baaritaan rasmi ah.

Waxay kaloo sheegeen in horraantii Febraayo inay qiimaynayeen baaritaan kale oo aan midkan ahayn oo ku saabsan in haweeney uu u soo diray Epstein si ay ula galmooto Andrew sannadkii 2010. HAweeneyda oo aan British ahayn ayaa xilligaas ku jirtay da’da 20meeyada.