Booliska Puntland oo war kasoo saaray gabar 14 jir ah oo lagu dilay Gaalkacyo

0
32

Nov 15(Jowhar)-Ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska, ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo ay uga jawaabayaan dhacdo argagax weyn ku dhalisay bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo.

Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney 34 jir ah oo lagu eedeeyay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle oo 14 jir eheyd. Haweeneyda la xiray oo lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye ayaa lasoo qabtay saacado kaddib markii falkaasi foosha xun uu dhacay, iyada oo la sheegay in dhawaan lasoo taagi doono maxkamad si cadaalad loo horkeeno.

Warbixinada hordhaca ah ee baaritaanka ayaa muujinaya in marxuumadda Saabiriin oo ahayd shaqaale u adeega Hodan ay la kulmi jirtay tacaddiyo joogto ah. Waxaa la sheegay in mararka qaar la jirdili jiray, lana ceejin jiray, taas oo ugu dambeyn keentay geerideeda naxdinta leh.

Booliska Puntland ayaa sheegay in baaritaanka rasmiga ah uu socdo, isla markaana ay bulshada u balanqaadayaan in cadaalad buuxda la marsiin doono kiiskan si looga hortago falal kale oo la mid ah.