Friday, February 27, 2026
Home NEWS Cali Balcad oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Falastiin

Cali Balcad oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Falastiin

0

Feb 27(Jowhar)-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen waxqabadka ururka Ururka Iskaashiga Islaamka iyo xaaladda dadka reer Falastiin.

Kulankaasi waxaa isugu yimid Wasiirada Arimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka OIC kaas oo wadahadal dheer iyo dodo waxgal ah ,kadib laga soo saaray qodobbo muhiim ah oo taageeraya qadiyadda Falastiin,isla markaana Israel ugu baaqaya in ay joojiso dagaalada Gaza iyo barakicinta dadka reer Falastiin.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS Mudane Cali Maxamed Cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in uu halkaasi ku gudbiyay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan taageerada dadka Falastiin iyo in la helo dowlad ay leeyihiin Falastiin.

Wasiiru Dowlaha ayaa mudadii uu socday kulankaasi waxa uula kulmay R/Wasaare ku xigeenka Pakistan,ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda,Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudi Carabiya iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankaasi waxaa wasiiru dowlaha kala qeybgalay xubnaha joogtada ee Soomaaliya ku matalaya Ururka Iskaashiga Islaamka.