Mar 05(Jowhar)-Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ayaa sheegtay in ciidamada Iiraan ay xalay weerar ku qaadeen maleeshiyaad Kurdi ah oo ku sugan gudaha Ciraaq.
Sida ay warisay IRNA, ciidanka ayaa saddex gantaal ku riday xarumo ay leeyihiin maleeshiyaadkaas, kuwaas oo isku diyaarinayay in ay gudaha u galaan gobalada galbeedka Iran.
Mareykanka ayaa kooxahan dhaqaajiyey, kuwaas oo yoolkooda uu yahay in ay gudaha Iran ka furaan dagaal hubeysan, waana 7 jamhadood oo labo dhinac laga dhaqaajinayo, inkasta oo ay mid kamid ah dalalka deriska la ah Iran cabsi ka qabaan in kooxahan dhankeeda halis kunoqdaan.
Warbixintu waxay sheegtay in gantaallada lagu bartilmaameedsaday xarumaha taliska iyo isku-urursiga maleeshiyaadkan, kuwaas oo Tehran ku eedeyso inay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhan ah amniga gudaha Iiraan.










