Tuesday, April 7, 2026
Home NEWS Dabley hubeysan oo weerartay Qunsuliyada Israil ee Istanbul

Dabley hubeysan oo weerartay Qunsuliyada Israil ee Istanbul

73

Apr 07(Jowhar)-Hal ruux ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen israsaaseyn ka dhacday meel u dhow qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul, taasoo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku tilmaamay fal argagaxiso.

Laba boolis ah ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray dagaalka, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Mustafa Ciftci.

Ciftci ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ka yimaadeen magaalada Izmit ee dalka Turkiga   oo ay labo ka mid ah ahaayeen walaalo.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha sheegtay in ninka lagu dilay weerarka lagu magacaabi jiray Yuunus E.S. oo ay ku sheegtay in uu xiriir la lahaa urur argagixiso.

Labada nin ee weerarka ku dhaawacmay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Onur Ç iyo Enes Ç, kuwaasi oo wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay inay walaalo ahaayeen.

Ma jiraan dublamaasiyiin Israa’iiliyiin ah oo hadda ku sugan dalka Turkiga, waxaana qunsuliyadda ay faaruq ahayd labadii sano iyo bar ee la soo dhaafay, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Ankara iyo Tel Aviv ee dagaalka Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si xooggan u cambaaraysay weerarkan iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid argagixiso.