Thursday, February 5, 2026
Home NEWS Dagaal maalinkii labaad ka socdo magaalada Baydhabo iyo xaaladda oo cakiran

Dagaal maalinkii labaad ka socdo magaalada Baydhabo iyo xaaladda oo cakiran

42

Feb 05(Jowhar)-Dagaal ayaa ka socda magaalada Baydhabo maalintii labaad, kaasi oo u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur-galbeed & ciidan la sheegey in ay taabacsan yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha DFS, Xasan Eeley oo isagu dagaalka ku eedeeyey Madaxweyne Laftagareen.

Khasaare dhimasho & dhaawac leh ayaa la soo werinayaa & in dagaalku uu si weyn u culus yahay oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Xiisaddan oo ka kacday muran-dhuleed ayaa dadka deegaanku sheegayaan in ay hadda isu rogayso xiisad-siyaasadeed oo saamaynaysa xidhiidhka KGS & DFS.