Sunday, February 15, 2026
Home NEWS Deni iyo Madoobe oo aqbalay ka qeyb galka shirka ay iclaamisay dowladda...

Deni iyo Madoobe oo aqbalay ka qeyb galka shirka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya

565

Jan 24(Jowhar)-Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa aqbalay ka qaybgalka gogosha wada-hadalka qaran ee mudeysan 1-da Febraayo.

Warar sugan oo aan ka helnay Madasha Mustaqbalka ayaa xaqiijinaya in aqbaladdan ay timid kaddib markii uu soo idlaaday shirkii Nayroobi, kaas oo war-murtiyeedkiisa la soo saarayo maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale, waxaa la faray guddiga farsamada ee maamulladaas inay u safraan magaalada Muqdisho, si ay Dawladda Federaalka ugala heshiiyaan isula-meel-dhigga ajandeyaasha shirka.