Deni iyo Madoobe oo aqbalay ka qeyb galka shirka ay iclaamisay dowladda Soomaaliya

66

Jan 24(Jowhar)-Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa aqbalay ka qaybgalka gogosha wada-hadalka qaran ee mudeysan 1-da Febraayo.

Warar sugan oo aan ka helnay Madasha Mustaqbalka ayaa xaqiijinaya in aqbaladdan ay timid kaddib markii uu soo idlaaday shirkii Nayroobi, kaas oo war-murtiyeedkiisa la soo saarayo maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale, waxaa la faray guddiga farsamada ee maamulladaas inay u safraan magaalada Muqdisho, si ay Dawladda Federaalka ugala heshiiyaan isula-meel-dhigga ajandeyaasha shirka.