Mar 24(Jowhar)-Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay gudoomiye degmo u magacowday degmada Waajid ee gobalka Bakool, xili ay sii xoogeysatay xiisadda dowladda iyo Koofur Galbeer.
Sida lagu shaaciyay qoraalka kasoi baxay wasaarada arrimaha gudaha, Waxaa la magacaabay gudoomiyaha degmada Waajid, kuxigeenadiisa Amniga iyo Arrimaha Bulshada iyo Xoghayahq degmada.
Si kastaba, Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili shalay laga soo celiyey Waajid diyaarad & ciidan ay dawladda Faderaalka dooneysay in ay geyso.










