Aug 14 (Jowhar)-Ciidan ka tirsan Dowladda iyo shacab hubeysan oo ka gadoodsan barakicin ayaa xalay ilaa saaka ku dagaalamaya Garoonka Horseed ee Aagga Tarabuunka halkaas oo ay laheyd Kooxda Kubadda Cagta ee Militeriga Soomaaliya.
Ciidanka ayaa sida la sheegay weeraray rag hubeysan oo gudaha xeradaasi isku aruursaday kuwaas oo diidan in dadkooda laga barakiciyo dhulka, waxaana jira khasaaro kala duwan.
Dad ka ag dhow goobta dagaalka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in labada dhinac ay is waydaarsanayaan rasaasta.
Taliye ciidan oo ka tirsan boolis Milataar ayaa kamid noqday dadka ku dhaawacmay dagaalka ka socda qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.