July 06 (Jowhar)-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa shaaciyay in wax laga bedelay jadwalkii doorashooyinka Dowladda Galmudug iyo doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kaddib codsiyo uga yimid ururrada siyaasadda iyo qiimeyn uu guddigu sameeyay.
Guddigu wuxuu sheegay in doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug, oo markii hore loo qorsheeyay 20-ka Luulyo 2026, hadda loo asteeyay 25-ka Luulyo 2026.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib-u-habaynta jadwalku uu yimid kaddib kulan wada-tashi ah oo guddigu la yeeshay ururrada siyaasadda 4-tii Luulyo 2026, halkaas oo lagu falanqeeyay caqabadaha iyo diyaar-garowga doorashooyinka.
Guddigu wuxuu sidoo kale shaaciyay in dib-u-eegis lagu sameynayo jadwalkii hore ee Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.












