Diyaarado dagaal oo duqeyn ku dilay nabadoon caan ka ahaa gobolka Sanaag

0
1

Sep 13(Jowhar)-Nabadoon Cumar Cabdilaahi Cabdi oo kamid ah Odayaasha degmada Badhan, ayaa ku geeriyoodey duqayn ay galabta gobolka Sanaag ka gaysteen diyaarado aan Sumaddooda la aqoonsan oo kuwa dagaalka ah.

Nabadoonka ayaa duhurkii kasoo baxay degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag isagoo wata gaarigiisa gaarka u ahaa, dadka deegaanka ayaa Daljir u sheegay in nabadoonka uu la socdey nin aysan garanayn oo 3 habeen u joogey degmada Ceel-buh.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka iyo ninkii la socdey ee dadka deegaanku aysan aqoonsan ay ku dhinteen duqaynta, ninka la sheegay inuu la socdey nabadoonka ayaa ilo xog ogaal ahi sheegeen in 4 habeen uu u hoydey degmada Ceel-buh oo uu deganaa hotel kuyaala halkaasi.

Lama oga bartilmaameedka rasmiga ah ee diyaaradahan, iyadoo nabadoonka gaariga la duqeeyay lahaa uu ahaa nin caanka ah deegaanka oo lagu yaqaan ka shaqaynta maslaxada deegaanka.